CC Shakuur oo shaaciyey ‘xog ay DF ka heysay qarixii’ maqaaxida Luul Yemeni

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa soo bandhigay xog ay laamaha ammaanka dowladda ka hayeen qarixii xalay lala beesaday baarka Luul Yemeni.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu ku sheegay in ciidamada Booliska ay bil ka hor haayeen xogta weerarkaasi, isaga oo soo bandhigay warqad ay wadaageen laamaha amniga oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weerar is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan Maqaayadda Coffe Pointa ama ay u weecin karaan tan Luul Yemeni, maadaama ay iska soo horjeedaan labada goobood.

Warqadda loo dusiyey Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa ku taariikheysan 23-bishii Janaayo ee sanadkan, taas oo muujineysay in Booliska uu xogtaan hayey in muddo ah.

“Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan,”.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo beryihii dambe ay soo badanayeen weerarada qaraxyada ah ee ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale soo baxayey digniino kale oo ku aadan qaraxayadaasi, si loo sameeyo feejignaan dheeri ah.