Meydadka dad hor leh oo laga soo saaray goobtii uu ka dhacay qaraxii xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay maqayaadda Luul-Yemeni, taas oo ku taalla agagaarka dekadda weyn ee Muqdisho.

Maanta ayaa burburka dhismayashii xalay ku dumay qaraxaas ee ka agdhawaa maqayadaas laga soo saaray meydad dad hor leh oo qaraxaas ku geriyooday.

Meydadka dhismayashaas laga dhex helay ayaa gaaraya illaa 3-qof, waxaana sidoo kale dhawacyo soo gaaray u geriyooday qaar ka mid ah dadkii xalay halkaas ku dhaawacmay.

Sidoo kale waxaa weli lagu layahay nolol iyo geri dad ku sugnaa maqaayadda markii uu dhacay qaraxaas. Qaar kamid ah dadka ehelkooda baadi goobayey iyo kuwii arkayay markii meydadka laga soo saarayey goobahaas ayaa warbaahinta u sheegay in weli dhismayaasha dumay ay dad ku hoos jiraan.

Inta la ogyahay qaraxaan waxaa ku geeriyooday dad ka badan 25-qof,  halka dhaawacyadu ay intaas ka badanyihiin.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida 10-qof iyo dhaawaca ugu yaraan 30 kale.

Maamulka gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Aamin Abulance ayaa isla xalay warbaahinta u sheegay in maqaayadda la qarxiyey ee Luul-Yemeni ay ka qaadeen meydadka 20-qof iyo dhaawacyada 30 kale.

Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxayna tilmaameen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xilligaas ku sugnaayeen maqaayadda.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaayadan, waxaana qaraxii kan ka horeeyey oo dhacay 8-dii bishii Agoosto ee sanadkii 2020 fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaas oo galaaftay nolosha dad u badnaa waardiyihii maqaayadda.

Weerarkaan xalay dhacay ee dadka badan galaaftay ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada Muqdisho sacadihii lasoo dhaafay ay ka jirtay xiisad siyasadeed oo u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda.

Sidoo kale labadii maalmood ee u dambeysay waxaa jiray tuhun iyo cabsi la xariirtay in gaadiid qaraxyo lagu soo raray ay magaalada Muqdisho ku dhex jiraan.