XOG: Xubno qaraabo la ah ROOBLE oo ku fashilmay qorshe ay damacsanaayeen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ku beel ah ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guul-darreystay qorshe ay doonayeen inay ugu yeelaan awood siyaasadeed, kuna qanciyaan inuu door weyn ku yeeesho go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Qorshahan ayaa soo billowday kahor kulankii ugu horreeyey ee uu Rooble la qaato musharaxiinta mucaaradka, ayada oo ujeedka uu ahaa in Rooble laga dhigo siyaasiyi karti leh, oo qaadan kara go’aano dalka lagu bad-baadinayo, islamarkaana aanu ka cabsan ama mar walba ka amar qaadan madaxtooyada dalka.

Wax walba waxey fashilmeen shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, ayada midowga musharaxiinta ay soo jeediyee qodobo adag oo ay hor dhigeen Rooble, balse uu go’aankeeda qaadan waayay.

Midowga musharaxiinta mar walba waxey ka qabeen tuhun weyn awoodda uu yeelan karo Rooble, balse xubnahaan qaraabada la ah ayaa gudoonka sare ee midowga ku qanciyay iney shakigaas meesha ka saari doonaan, balse qorshahoodii ay 7-maalmood magaalada ku xasiliyeen uma fulin.

Xubnaha la sheegay iney isku dayeen Rooble iney ka dhigaan ra’iisul wasaare adag waxaa ka mid ah: Mahad Salaad oo ah xildhibaan aqalka hoose, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cabdi Qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare, xildhibaan hore Cabdisaabir Nuur, ganacsade Liibaan Axmed Xasan iyo xubno kale oo aan magacyadooda banaanka lasoo dhigin.

Xubnahaan waxey doonayeen in Muqdisho uusan ka dhicin wax qalalaase ah, sidoo kalana uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta la wareego waxyaabaha hor yaalla sida hirgalinta doorashada, qaatana go’aanada uu xaqa u leeyahay oo ay is lahaayeen waxey hirgalin kartaa doorasho xalaal ah.

Qorshahan, ayaa ka sokow dadaalka xildhibaanada ku beesha ah, wuxuu ahaa mid qeyb ku xiran Rooble, oo laga doonayey inuu karti isku yeelo, oo uu fahmo in la joogo xilli kala guur ah, ayada oo aysan jirin sabab uu kursigiisa ugu cabsado.

Si kastaba, Rooble ayaa ka bixi waayey xeendaabka Villa Somalia, waxaana la-yaabkii ugu weynaa uu dhacay habeenkii u dambeeyey wada-hadallada, kadib markii la arkay in farriin qoraal lagu hagayey, oo go’aan kasta oo uu qaadan rabo uu weydiinayey dad dibedda ka joogay miiska wada-hadalka.

Jawiga siyaasadeed ee Muqdisho oo muddo ka badan todobaad xasilneyd, halkeedii ayuu xaalka ku laabtay iyo sidii uu ahaa kadihb 19-kii February, lama oga waxa xiga ee dhici doona iyadoo Beesha Caalamka laga sugi doono tallaabada kale oo ay qaadayaan.