Xasan Sheekh oo sheegay sabab cusub oo aysan u dhici karin doorasho xor ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka iney xagal qaldan u adeegsaneyso ciidanka, wuxuuna ku tilmaamay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday inaan looga fadhin karin inuu qabto doorasho xalaal ah.

Waxa uu tusaale usoo qaatay ciidankii shalay lagu soo daadiyey taallada Daljirka Dahsoon, ee lagu joojiyey dibad-bixii ay maanta qorsheeyeen mucaaradka, isaga oo sheegay in taas ay caddeyn u tahay in dalka aysan doorasho xor ah ka dhici karin.

Xasan Sheekh, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay qabteen midowga musharaxiinta, ayaa sheegay in ciidamadii loogu talo-galay iney la dagaallamaan Al-Shabaab loo adeegsaday in lagu caburo shacab Soomaaliyeed oo raba iney si nabad ah ku banaan baxaan.

Hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka wuxuu sheegay iney muhiimad weyn leedahay in ciidamada ay ka dhex baxaan siyaadda isla markaana ay noqdaan kuwa dhex-dhexaad ah.

“Ciidamadda waddooyinka Muqdisho taagan iyo qalabka ay haystaan ee waddooyinka ku xireen yey u haystaan hala fahmo? Gabar iyo wiil Soomaaliyeed oo banaan-baxaya ayay u haystaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Khatarta Shabaab ku hayo dalkan meesha ay taagan tahay waa og-tihiin. Meel aysan tahdiid ku haynin ma jirto. Ciidanka iyo beebeyaashii loogu talagalay waa kuwa waddooyinka Muqdisho dhex-taagan”

Dhanka kale wuxuu toosh yar ku shiday Farmaajo isagoo leh: “Madaxwaynihii hore ee wali ka raaraca xukunka iyo talada qarka uga dhegan ee deyn la’ meesha uu maanta marayo waa intaas. Dadka Soomaaliyeed in ay fahmaan ayaan rabnaa”

Si kastaba Xasan Sheikh wuxuu sidoo kale sheegay iney adag tahay in doorasho xor ah laga sugo shaqsi diidan banaanbax sharciga iyo dastuurka uu ogol yahay, halka uu Shariif Sheikh Axmed ku raacay ineysan wali ka tanaasulin dibad baxii, dibna ka shaacin doonaan.