Shixnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah oo loo soo diray Soomaaliya

Delhi (Caasimada Online) – Dowladda India ayaq sheegtay in Soomaaliya ay u soo dirtay shixnad talaalka Coronovirus ah, oo lagu sameeyay isla wadanka Hindiya si loola dagaalamo cudurka Coronavirus.

Wasiirka arrimaha Dibadda India, Subrahmanyam Jaishankar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheeciyay inay Geeska Afrika ay maanta oo Sabti ah usoo direen talaalka ay India sameysay, gaar ahaan Soomaaliya. 

Ma cadda haddii tallaalka weli usoo gaaray Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadal tallaalka ay sheegtay India inay dalka usoo dirtay.

Waa shaxnaddii ugu horreysay ee tallaalka COVID-19 ah ee inta la ogyahay loo soo diro Soomaaliya, tan iyo markii tallaalka lagu guuleystay in la helo daba-yaaqadii 2020.

Tallaalka India oo ay sameysay shirkadda Bharat Biotech ayaa lagu magacaabaa Covaxin, wuxuuna wax ku ool yahay 81%. Marka loo barbar dhigo, tallaalka AstraZeneca ee UK waa 62%, halka tallaalada Mareykanka ee Pfizer iyo Moderna ay kala yihiin 94% iyo 95%.

India ayaa sidoo kale sheegtay in horay ay talaalkan u siisay dowladaha deriska la ah, balse hadda ay qorsheyneyso sidoo kale iney gaarsiiso wadamo dhaca Europe, Latin America, Caribbean ilaa Afrika Africa iyo Koofurta Bari Aasiya.

Dhanka kale Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO qayb-teeda Africa ayaa Sheegtay ilaa saakay in 12 dowladood oo African ah la gaarsiiyay in ka badan 11 Malyan oo talaalka Covid-19 iyada oo la fulinayo Barnaamijka COVAX ee dalalka faqriga lagu gaarsiinayo talalkan 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika ayaa la gaarsiiyay talaalkan WHO, sida Kenya, Sudan iyo Uganda, waxaana sidoo kale la filayaa 10 dal oo ay Soomaaliya ku jirto in la gaarsiin doona isbuucaan sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim
Abdiazizh99@gmail.com
Mogadishu-Somalia