Sheekh Shariif oo ka hadlay haddii ay ka tanaasuleen banaan-baxii ka baaqday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay dibad-baxa ay mucaaradka qorsheeyeen inay ka dhigaan Muqdisho ee mar kale maanta baaqday.

Dibad baxii lagu balansanaa inuu DALJIRKA DAHSOON ka dhaco maanta ayaan qabsoomin kadib markii ay musharaxiinta shalay sheegeen in ballankii looga baxay, maadaama ciidamo badan lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Madaxweynahii hore wuxuu sheegay in burburka ay haatan Soomaaliya kasoo kabaneyso ay sababtay ciidamada oo ku milmay siyaasadda, wajiga ay leedahay iyo sida ay u tahay wax xunna laga heysto xusuuso xun oo laga sheekeyn karo.

“Arrintaas waxay muujineysaa dooda musharaxiinta ee ah cidda amniga sugeysa iyo arrinta ciidamadda ay noqoto qadiyad xal laga gaaro maadaama madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu si qaldan u adeegsaneyso,” ayuu yiri Shariif.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Dalkan wuxuu horey ugu burburay ciidanka oo siyaasadda galay.”

Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay in midowga musharaxiinta aysan weli ka tanaasulin dibad-baxa, islamarkaana ay dhowaan iclaamin doonaan maalinta xigta ee la qaban doono dibad baxa nabadeed, sidoo kalana wuxuu carabka ku dhuftay iney dibad baxaas sugi doonaan amaankiisa ciidamo ayaga taabacsan.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ineysan marnaba ogolaan doonin inuu dhaco dibad bax aysan mas’uuliyadda amnigiisa iyaga ku xirneyn.

Walaaca dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa sare u kacay kadib markii ay dib usoo laabatay aragti kala duwanaantii dibad baxa iyo xaaladda guud ee magaalada, waxaana laga cabsi qabaa iney dhacaan waxyaabo horay looga digay.