Dhallinyaro reer Somaliland ah oo Muqdisho ku sugan oo ka hor-yimid ‘qorshe uu wato’ Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa maanta loo diiday inay banaanbax ku dhigaan fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta u sheegeen.

Dhalinyaradaan oo tiro ahaan gaareysa shan qof ayaa si adag ula hadlay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyagoo uga digay in dalkan uu ku celiyo nidaamkii uu ku burburay 30-sano ka hor.

“Waxaan saakay u jarmaadnay Daljirka Daahsoon si dareenkeena dastuuriga ah aan u cabirno, laakiin ciidamadii ku sugnaa goobtaas waxaan kala kulanay bahdil iyo handadaad, waxayna nagu garaaceen liif, waxay nagu aflagaadeeyeen in dareekeena aannaa cabiri karin, waxaan leenahay Farmaajo anagoo ka soo jeedna Somaliland, maanta ciidamadaada waxay nagu garaacayaan madaxtooyada horteeda,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaas.

Waxyaahaba ugu badan ee dooda dhalinyaradaan ay ku saleysan tahay waa hubanti la’aanta ka soo wajahday hanaanka doorasho ee kuraasta siyaasadeed ee Somaliland, waxayna ku goodiyeen in aysan jirin cid go’aan uga gaari karta masiirkooda.

“Kuraasta Somaliland muwaadiniin ayaa leh go’aanna iyagaa ka gaaraya, Madaxweyne weli waan ku ixtiraameynaa, ma dooneyno in dalku qalalaase galo, fadlan dalka doorasho la isla ogolyahay ka qabo, waxaadna ogaataa in kuraasta Somaliland uusan qof boobaya go’aan ka gaari karin,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada hadashay.

Waxuu intaas ku sii daray, “Shacabka Soomaaliyeed ma aqbalayaan in Villa Somalia aad sharci darradaas ku sii joogto, waqtigaagii waa dhamaaday, fadlan ka soo bax madaxtooyada, ma aqbaleyno waxa aad dalka ku wado, hadaan nahay dhalinyarada Somaliland, lama bililiqeysa karo kuraasteena iyo metelaada aan xaqa u leenahay.”

Sidoo kale dhalinyaradaan ayaa xubnaha ku metela dowladda federaalka oo ay ka xuseen ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, waxay u sheegeen inay ogaadaan inay dad metelaan oo aan cidlo laga keenin.

Hoos ka Daawo