Xildhibaan Cali Axmed oo geeriyooday isaga oo doonayey inuu ka gaaro aaska hooyadii

Boosaaso (Caasimada Online) – Rabbi ha u naxariistee, waxaa maanta shil gaari ku geeriyoodey Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsanaa baarlamaanka Puntland. Shilka ayaa ka dhacay tuulada Midigalo ee gobolka Sanaag, waxaana uu ku sii jeedey degmada Badhan.

Cali Dhahar ayaa hooyadiis maanta geeriyootey, waxaana uu doonaayey in uu ka gaaro aaskeeda, laakiin shilkan waxa uu sababey in isaga iyo hooyadiis inay isla maalin geeriyoodaan, tan oo ah geeri aad u naxdin badan.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo ay ku geeriyootay hooyadii marxuumad Raxma Ciise.

Xidhibaanka ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka waxaa markii hore soo gaarey dhaawac aad u culus, waxaana uu geeriyoodey saacado yar kadib.

Xildhibaan Cali Dhahar muddo dheer ayuu ahaa Xogahaynta Golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana uu sanadkii 2019 ka mid noqdey Baarlamaanka isaga oo ka soo galay degmada Badhan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Hooyadiis Marxuumad Raxmo Ciise Rabaadin.