Su’aalo ka taagan qaraxii Luul Yemeni – Mucaaradka oo hal arrin is-weydiinaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey markii xalay qaraxa lagu weeraray maqaayadda Luul-Yemeni oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir, waxaa soo xoogeysanaya shaki ay muujinayaan siyaasiyiin u badan mucaaradka.

Siyaasiyiintan waxay ka mideysan yihiin in su’aasha ah halka uu ka yimid ama la soo marsiiyey gaariga qarxay, maadaama ay wadooyinku xirnaayeen habeenkii qaraxu dhacay iyo maalinkeedii.

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadaas ayaa yiri, “Waan bogaadinayaa in xogtaan hore loogu bixiyay dadaal lana soo gudbiyay, balse waxaa nasiib dara ah in ayada oo xogtaan khatarta ah lahayo in ciidamadi amniga shacabka sugi lahaa loo adeegsado laguna mashquuliyo carqaladaynta shacab diidan dictatorship dalbanayana Doorasho Dimoqoraadi ah una Banaanbaxaya si nabad ah, sidaasne dadki loo dayco waana danbi la’iskula xisaabtami doono.”

Qoralka Xildhibaan Cabdullahi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa cajiib ah in Ninkaan Mudda xileedkiisi dhamaaday ee xukun jaceelku waalay xataa uu kari waayay in uu u tacsiyeeyo 30ki qof ee xalay Muqdiaho lagu dilay, dhacdadaan iyo dhacdadi Xabsiga boosaasaba waxaa ay adkaynayaan xanti ahayd in ay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri, “Ciidamada shacabka boorarka iyo calamada sita lagu baacsanayo, qaraxyada iyo weerarada Alshabaab ku gumaadayaan shacabka maa looga difaaco. Mise waa shaqo shirko lagu wada yahay.”

Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Ciidanka Booliska waxay hayeen xogta la xariirta in weerar argagexiso lala beegsanayo maqaaxida Luul-Yamaani ee xalay la weeraray oo ay 25 ruux ku dhimatay, 45 kalane ku dhaawacantay. Allaha u naxariisto intii dhimatay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah. Ciidankii xogtaa ka hortegi lahaa waxaa loo adeegsaday, heegana loo geliyey in ay jidadka ka xiraan shacab si nabad ah u dibadbixi lahaa, argagexisadiina waa laga jeedsaday. Ciidanka waa in ay diidan difaaca kaligii taliska, oo ay shacabka halista ka ilaaliyaan.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa isna yiri, “Wixii maanta ciidan kala duwan oo banaanbaxa nabdeed looga hortagaayay xagguu qaraxu ka soo maray. Mase banaanbaxa ayaa bari lagu qarxin rabay si eedda Murashaxiinta loo saaro.”

Ugu dambeyntii Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa soo qoray, “HASHA MAANKEYGA GADAYE MA MASAAR BEY LAQDAY! Jidadka ayaa Shacab si nabad ah u Mudaaharaadaayo ka xiray iyo xabsiga dhexe Checkpoint kiisa maqaaxi ku taalla la qarxiyey iyo boola xoofteentii galabta, isma qabtaan! Intii dhimatey Allaha u naxriisto.”

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas, waxaana ka dhashay dhaawacyada ugu yaraan 30 kale, mas’uuliyadiisa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.