Ciidamada Puntland oo 100 qof ku qabtay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online ) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gal ciidamada ammaanka Puntland ay xalay ka sameeyeen gudaha & duleedka Boosaaso.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkaasi lagu qabtay illaa 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayey, halka kuwa kalena la weydiinayo su’aallo dheeraad ah.

Baaritaanadan ayaa yimid, kadib amarkii kasoo baxay madaxweyne Siciid Deni oo faray laamaha ammaanka inay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii ka dambeeyey iyo kuwii fududeeyey weerarkii habeen hore lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale howl-galladan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isku dadka iyo gaadiidka.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal ammaan darri iyo weeraro ay qaarkood sheegteen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.