CC Shakuur oo shaki cusub geliyey madax-bannaanida Rooble ee doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo war qoraal ah soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, isaga oo ku eedeeyey inuu weli lugaha qabanayo doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in Farmaajo markii UU dantiisa ka waayey ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika uu iska diiday, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu weli siyaasadeynayo arrimaha ciidamada qaranka, si uu ugu fushado danahiisa gaarka ah.

“Farmaajo isaga ayaa dalbaday in Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya soo dhexgalo, haatanna isaga ayaa diidaya markii uu dantiisa ka arki waayey. Farmaajo weli ciidanka fadqalallo ayuu ka dhex wadaa. Danaha shacabka Soomaaliyeed ayuu u afduubay dan ganacsi oo ay walaalkiis iyo saaxibbadiisu leeyihiin,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu uusan wax fursad ah siineynin ra’iisul wasaaraha oo loo xil saaray doorashada iyo dhex-dhexaadinta mucaaradka.

‘Marna lagama yaabo in Farmaajo fursad u siiyo Raysalwasaare Rooble in uu muujiyo hufnaan uu saamileyda siyaasadda ugu dhexeeyo iyo madax bannaani uu go’aannadiisa ku qaato,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ra’iisul wasaare Rooble inuu qaado tallaabooyin deg deg ah oo ku aadan qabashada doorashooyinka, si dalka looga bad-baado qalalaase horleh.

“Haddaba Raysalwasaare Rooble waxaa looga fadhiyaa in uu qaado tallaabooyin xoojinaya filashada laga qabo ee ah in uu Farmaajo fariinka u qabto, xeeriyana danta shacbaka Soomaaliyeed, muujiyana in uu ka madax bannaan yahay saameynta taban ee  Farmaajo iyo kooxdiisa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo 20 bishan loo ballansan-yahay shir ay qeyb ka yihiin madax goboleedyada dalka, kaas oo looga arrinsanayo is mari-waaga doorashooyinka.