DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal la bedelayo kadib dalabkii musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

“Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey.

Hase yeeshee, qodobka lixaad ee heshiiska ay gaareen xukuumadda iyo mucaaradka ayaa waxa uu dhigayaa in la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka, mana cadda haddii dib u habeyntaas ay qeyb ka tahay hoggaanka ciidanka

Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada lagu heshiiyey inay Muqdisho ka baxaan aysan ku koobneyn oo kaliya kuwa taageerayay Madasha Badbaado Qaran, balse ay sidoo kale ku jiraan ciidamada taabacsan dowladda ee xiisadda dagaal ku yimid Muqdisho.

“Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. 

Si kastaba, inkasta oo ciidamada Badbaado Qaran ay magaalada uga baxeen si shaacsan, oo la wada arkay, haddana ma muuqato inay magaalada ka baxeen ciidankii uu kusoo daabulay Farmaajo.