CC Shakuur oo u jawaabay madaxweyne FARMAAJO: “DALKA waxaa ragaadiyey kaligii waddani iyo kaligii…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta mucaaridka ah ee ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa waxa uu si adag u naqdiyay khudbadii maanta ee madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hor-yimid aragtida Farmaajo ee uu maanta ku sheegay in dalka ay ka jiraan labo afkaarood oo kala ah Waddaniyada iyo Qabyaalad, xili uu ka hadlayay munaasibadda 1-da Luulyo oo ka qabsoomtay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Waxa uu sheegay in dalkeena ay ka jiraan labo fikradood oo xagjir ah, kuwaasi oo labadooduba ay magac dileen Diintii iyo dalkiiba, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalkeenna laba fikradood oo xagjir ah ayaa ragaadiyey. Kaligii Islaam iyo kaligii Waddani. Labadduba Diintii iyo Dalkiiba magaca ayey ka dileen,” ayuu yiri.

“Diintu waa caqiidadeenna, dakuna waa deegaankeenna cid aan magacooda nagu dulmin ee inna wada deeqsiisa, deriskana nabad kula noolaata, dunidana la jaanqaadda ayey shacabku doonayaan.”

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shaaciyey in dalka ay isku hayaan labo qolo, kuwaasi afkaaro kala duwan ah oo Waddaniyada iyo Qabyaalada, taasi oo ay tahay in muwaadinka kala doorto, isagoona xusay in qaybaalada kala qeybsanaanta ay keentay ka faa’iideysanayaan cadowga dalka, sida uu sheegay.

“Dalkaan waxaa isku haysta afkaar dad maaha, labo afkaar ayaa isku haysata, anaga ayaa nalaga rabaa midda aan qaadan laheyn, Ilaahay waxa uu ina-siiyey in aan kala doorano, midka aad qaadato waxa uu leeyahay dhibaatadiisa midna wuxuu leeyahay wanaagiisa. Labada afkaar ee dalkaan isku haysatay waxay ahaayeen Waddaniyada iyo Qabyaaladda.”