Sawirro: Ujeedka safarka uu Saciid Deni maanta ku tegay Kismaayo oo la ogaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo sii galbiyey madaxtooyada maamulka, ayada oo kulamo la qaatay madaxda sarre ee maamulka Jubbaland.

Sida ay wararka qaarkood sheegayaan Saciid Deni oo maalmihii dambe arrimaha doorashooyinka u joogay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Kismaayo u aaday si uu u dar-dar geliyo loolan adag oo ugu jiro madaxtinimada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lasoo warinaya inuu ku jiro damac xilka madaxweynaha Soomaaliya ah oo uu doonayo inuu qeyb ka noqondo musharaxiinta u taagan madaxtinimada Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa kamid ahaa madaxda sida weyn uga soo horjeestay mudo korosigii uu meelmariyay baarlamaanka, asaga oo ku dagaalamay in doorashada Soomaaliya u dhacdo si dhaqso leh, midaasi oo uu jideynayo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan uu khilaaf ka taagna ayaa xiligan waxaa socda dadaalo lagu rabo in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu ka shaqeynayo ra’iisal wasaaraha dalka.