Somaliland oo ka laabatay xayiraad ay saartay shirkad u hogaansantay amarka DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta dib u fasaxday Shirkadda Diyaaradaha ee Fly Dubia oo kal hore ay xayiraad kusoo rogtay, midaasi oo joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay.

Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Cumar Sayid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Fly Dubai ay dib usoo buuxisay shuruudihii looga baahna ee sababay in la joojiyo duulimaadyadeeda.

Somaliland ayaa hore u soo saartay amar ay ku mamnuucayso in shirkadaas aysan ka shaqeyn Somaliland, kadib markii ay shirkadda u hoggaansantay amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareeyaha ayaa carabka ku adkeeyay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliya ay qaadan karaan Amarka Somaliland, islamarkaana ay ku shaqeyn karin mid ka duwan.

Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax banaan ayaa ka carootay amar kasoo baxay dowladda federaalka, oo ayadu gacanta ku haysa maamulka Hawada Soomaaliya oo qeyb ka tahay Somaliland.

Dowladda federaalku Soomaaliya ayaa 19-kii March 2020 dib u celisay diyaaradii Fly Dubai oo qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa xilligaas sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Dowladda federaalka ayaa xilligaas joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi oo rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland.