CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday Rooble + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore  su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

“Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrimahan oo dil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu Cabdiraxmaan tilmaamay inuu shaku weyn ka dhashay.

“Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo,” ayuu markale ku yiru qoraalka uu soo saaray CC Shakuur.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maalin weliba garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan terminal-ka khaaska ah inay kasoo dagaan diyaarado gaar ah oo ka kala yimaada wadamada Qatar iyo Eritrea, sida uu hadalka u dhigay.

“In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa,’ ayuu sii raaciyey hadalkiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Gaba-gabadii wuxuu yiri ‘Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, cadaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger) . Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo ina wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama wadanka Itoobiya ka dhacday.