Yaasiin Farey oo si rasmi ah isugu sharxay kursi xildhibaan kadib markii ‘la bari yeelay’

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees. 

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maanta sheegay inuu gudoonsiiyey shahaadada murashaxnimo xubno soo buuxiyey shuruudaha musharnimada oo uu ka mid yahay Yaasiin Farey, oo u taagan kursiga HOP67, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga.

Tallaabadan ayaa imaneysa maalin kadib markii musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.

Sidoo kale musharixiinta ku midoobay kursigaas ayaa sheegay in ergo aan aheyn kuwa kasoo jeedo beeshooda loo xulay inay dootaan kursigaas, taasi oo ay ku sheegeyn inay tahay mid baalmarsan hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay 17 September 2020 iyo Heshiiskii 27 May 2021.

Arrintan ayaa sidoo kale imaneysa kadib markii xalay guddiga baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax ay soo saareen natiijo horudhac ah oo ay ku sheegeen inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Ikraan ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Yaasiin Farey ayaa ka mid ah xubnaha ay guddiga baareen, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Jeneraal Cabdullaahi Kameey.

Kadib go’aanka guddiga ayaa waxaa aad u xoogeystay hadal hayn ku aadan in sababta natiijada loogu dhowaaqay inay tahay in Yaasiin Farey la bari yeelo kahor inta aanu si rasmi ah isugu sharxin xildhibaannimo.