Warqad kasoo baxday NISA oo muhiim u ah baaritaanka kiiska Ikraan oo aan helnay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil saaray baarista kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa xalay soo saaray natiijo horu-dhac ah oo kasoo baxday baaritaankii ay ku sameeyeen kiiskii loo xil saaray.

Guddiga ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku waayeen wax caddeymo ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

Warqad cusub oo kasoo baxday NISA 3-dii November, oo ay maanta heshay Caasimada Online ayaa xog badan ka bixineysa sida baaritaanka kiiska ugu soo dhammaaday muddo laba toddobaad oo kaliya ah.

Warqadda ayaa soo baxday maalin kadib markii Barnaamijka Galka Baarista ee VOA uu sheegay in guddiga ay caqabad kala kulmeen NISA.

Hase yeeshee, warqaddan oo kasoo baxday taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey ayaa 3-doo November lagu bixiyey amar ah in guddiga barista si buuxda loola shaqeeyo.

Marka laga billaabo waqtiga ay hey’adda NISA ogolaatay in la billaabo baarista kiiskan iyo xalay oo lagu dhowaaqay natiijada ayaa waxa u dhaxeeya 18 maalmood.

Warqadda ay Hay’adda NISA ku ogolaatay baarista kiiska ayaa kusoo aaday hal todobaad kadib booqashadii uu Ra’iusul Wasaare Rooble ku tagay xarunta Hay’adda NISA 26-kii October, markaasi oo uu madaxda Hay’adda faray inay la shaqeeyaan guddiga loo saaray baarista Kiiska Ikraan.

Kooxda baarista ayaa heshay warbixin ka kooban 38 bog oo ay soo saartay NISA, iyadoo lagu faahfaahiyay shaqada Ikraan iyo sida ay ugu gacan gashay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa lagu caddeeyey in kooxda Al-Shabaab ay Ikraan dishay 14-ka Bishii July, inkastoo qoyska Ikraan ay weli rumeynsan yihiin in gabadhooda ay nooshahay.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay 26-kii bishii June sanadkan.

Muddo kadib ayaa qoraal ay soo saartay hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Al-Shabaab afduubteen ka dibna ay dileen. Balse Al-Shabaab ayaa dhankooda beeniyay warkaasi iyaga oo sheegay in aysan ku lug lahayn kiiska Ikraan.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda NISA