Mahad Salaad iyo Guuleed oo jawaab lama filaan ah ka bixiyey weerarkii uu CC Shakuur ku qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya Iyo Mahad Salaad ayaa si weyn u difaacay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdikariin Guuleed ayaa ugu horeyntii sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay doorka uu ku leeyahay doorashada iyo dardar-gelinteeda, islamarkaana mas’uuliyada dib u dhaca ay leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo gudiyadooda.

“Waxaan wada ognahay in masuuliyadda doorashada ay saaran tahay Golaha Watashiga Qaran guud ahaan, gaar ahaanna madaxda dowlad gobaleedyada iyo gudiyadooda oo ayagu la gaar ah masuuliyadda fulinta doorashooyinka,” ayuu yiri.

“Haddii dhaliil iyo gaabis uu jirana runtii xagooda ayey jirtaa oo fartu ku godan tahay. Waana xaqiiq dhab ah in dhaliilo waaweyn ay ka jiraan habsami u socodka doorashooyinka. Haddii ay ahaan laheyd jiitanka iyo daaha ama xagga hufnaanta iyo kalsoonida lagu qabi karo sida ay wax u socdaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble looga baahan yahay xiligaan inuu sii laba laabo dadaaladiisa uu ku doonayo qabsoomida doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Mahad Salaad ayaa asaguna su’aal geliyay sababta xiligan weerarka loogu qaadayo Rooble, islamarkaana indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiyiin uu ku sheegay inay yihiin doorasho diid.

“Farmaajo doorashada dalka ka socota dibad joog ayuu ka yahay in muddo ah. Dalabkeedana waxaa lahaa maamulada qaarkood iyo mucaaradka! Rooble si gaar wuxuu ugu xilsaarnaa doorashada Somaliland. Aqalkii Sare si sharaf leh ayuu u qabtay. Golaha Shacabkana maalmaha soo socda ayay bilaabanaysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlad goboleedyadii xulafada la ahaa Villa Somalia ay doorashadii wataan, gaar ahaan Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isagoona xusay in Jowhar-na jidka ay ku soo jirto.

“Haddaba waxaa in la isweydiiyo mudan sababta Rooble loo xagxaganayo oo indhaha looga qarsanayo maamulada iyo siyaasiinta doorasho diidka ah ee ilaa hada lagu kari la’yahay halla bilaabo doorashadii Golaha Shacabka?!. Markaan oo kale adeerkey Maxamuud Sabriye AUN wuxuu dhihi jiray “HADALKAAGU WAA TUMBURYO KU DHUKAYO” oo uu ula jeedo hadalka aad ii sheegayso maangal caqligu oggolyahay ma’ahan, inlee gacantaada faraheeda oo laaban dhegtaada geli ee ku dhukayo suurtaggal ma’ahane‼️.”

Hadalka Mahad Salaad iyo Guuleed ayaa imanaya kadib un markii uu Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha uu si lama filaana weerar dhanka afka ah ugu qaaday ra’iisul wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa marka hore su’aallo badan ka keenay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan sida uu ku soo dhammaaday kiiska Ikraan Tahiil oo uu ra’iisul wasaaruhu horay u ballan qaaday inay heli doonto cadaalad, dib u dhaca ku yimid doorashooyinka 2021, iyo dhalinyaradii loo qaaday wadanka Eritrea.

“Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in arrimahan oo idil ay ku soo aadayaan, kadib safarkii Rooble uu ku tegay Qatar oo uu ku tilmaamay inuu shaki weyn ka dhashay.