“Kursigan nin ayaan heshiis kula galay” – Qoor Qoor oo diiday in loo tartamo HOP104

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta iyo odayaasha kursiga HOP104 ee uu hadda ku fadhiyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in fara-gelin qaawan lagu sameeyay kursigooda.

Odayaasha warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Musharaxiintii la tartami laheyd Mahad Cawad laga hor istaagay qaadashada warqada CID-da ee dembi baarista iyo diiwaan-gelinta musharaxnimadooda.

Mahad Cawad ayaa maanta la siiyey shahaadada murashaxnimo ayada oo murashaxiintii kale loo diiday warqadda CID, si tartanka looga reebo.

Odayaasha ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug in uu diiday in hab furan loogu tartamo kursigaas, kaasi oo si gaar ah ugu xiray Mahad Cawad, sida ay sheegen.

“Sida aan maqaalo ku hayn madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Kaariye Qoor-Qoor uu si bareer ah u yiri Nin ayaa heshiis kula galay, marka hore madaxweyne kursiga nin iskama laha ee beel dhan ayaa iska leh, waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya iskana leh Odaayasha beesha Saleebaan Cabdalle oo ka kooban sideed jufo.”

“Waxaa gaarnay heer laga hor istaago Musharaxiintii u taagna kursigaas inay doontaan warqadii dembi la’aanta ee CID-da oo la yiraahdo kasoo qaata amar Guddiga, ayagana ay telefoonada iyo albaabka xirteen, taasi oo macnaheeda yahay ma ogolin in cid kale arji u soo qorato kursigaas.”

Sidoo kale waxay sheegen in maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinkiisa si bareer ah ugu tunteen qoddobadii kasoo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Arrintaan waxay ceeb ku tahay siyaasada Soomaaliyeed meel uu kasoo galana majirto. Waxaa aad uga xunahay in arrintaan taala Galmudug aysan aheyn doorasho wax u eegna aysan aheyn. Waxaa jira boob iyo dhac loo geysanayo beeshii laheyd kursigaas,” ayuu yiri Musharax kamid ah kuwa laga hor istaagay kursigaas.

Ugu dambeyntiina waxay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ka codsadeen in wax laga qabto boobka lagu hayo kursigaas oo sumadiisa tahay HOP104, markale uu isku soo taagay Mahad Cawad.