Xildhibaan Aamina oo soo bandhigtay qodobo shaki gelinaya natiijada kiiska Ikraan

Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha CQS Cabdullahi Buulle Kameey, maaha mid sharciga waafaqsan, sabaha soo socdo dartood;

1. Xeer ilaalintu baaritaanka kiiska ayeey leedahay mooyee go’aankiisu iyada ma lahan, xaqna uma lahan ineey baahiso.

2. Waxeey aheyd in caddeeymaha baaritaanka ay heleen garsoorka ku simaan, garsoorkana su’aalo ka weeydiiyo tuhmanayaasha goob maxkamad oo fagaare ah oo la dhageeysanaayo, sida kiisas badanba la sameeyay. Waxaa ugu danbeeyay kiiskii Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo eedeeysanayaashii kiiskaas meel fagaare ah garsoorku su’aalo ku weeydiiyeen iyagana xaq u yeeshay ineey is difaacaan. 

3. Maxkamadda ayaa ugu danbeeyn go’aanka ugu danbeeya laheyd, kadib marka ay ku cabir qaadato eedeeymaha loo jeediyay tuhmanayaasha iyo isdifaacooda. Go’aankaas ayaana noqon lahaa mid ama lagu qanco ama lala qoonsado oo la aado rafcaan.

Waxyaabaha sharciga hareermarsan ee ay xeer ilaalintu warbaahinta ka sheegtay waxaa kamid ah in tuhmanayaasha ay u ogolaadeen in la baaro kiisnka. Sidee tuhmane xog uu gacanta ku haayo danbi isaga lagu tuhmaayo caddeyntiisa looga heli karaa?

Waa waxyaabaha aan maanka galeyn ee hareeyay kiiska. Innaga kiiska Ikraan waxaan geeynay maxkamadda CQS iyaga ayaana ka dhowreynaa ineey gal baariseedkaas go’aan ka gaaraan. Maxkamadda CQS waxaan ka codsanayaa in kiiska ay u qaaddo sidii kuwii ka horeeyay ee ay gashay.

Ugu danbeeyn shacabka soomaaliyeed waxaan leeyahay, Ikraan maanta idinka ayeey garab idiinkaga baahantahay, haddii manta aan Ikraan caddaalad u heliddeeda la garab istaaginna maalinba qof beey iridda uga soo galeeysaa. 

Ikraan Tahliil Faarax, ama hadhawaato ama ha dheeraato waan hubaa ineey caddaalad heleeyso oo aan marnaba looga hareeyn dadka lagu tuhmayo kiiskeeda. 

Wabillahi toowfiiq
Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi