Qodob taliye Yaasiin Farey u diidaya inuu xildhibaan isku sharxo oo la dhinac maray

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa maanta si rasmi ah isugu sharxay kursiga HOP67 ee golaha shacabka kadib maalmo ay socotay hadal haynta arrintan.

Kursigan ayaa waxaa leh jufo ka tirsan beesha Waceysle, waxaana hadda ku fadhiya Cabdullaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees.

Hase yeeshee, waxaa jira qodob ka mid ah habraaca doorashada golaha shacabka oo Yaasiin Farey u diidaya inuu is-sharxo, haddii aanu buuxin shuruudda laga doonayo.

Qoddobkan oo ah midka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta ayaa waxa uu dhigaya in Saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee raba inay u tartamaan kuraasta Golaha Shacabka ay is-casilaan marka hore.

“Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta,” ayuu leeyahay qoddobka 8-aad ee Shuruudaha Musharaxiinta.
Yaasiin Farey ayaa illaa hadda aan gudbin wax istiqaalad ah oo la ogyahay, wuxuuna ka degay magaalada Dhuusamareeb isagoo Taliye ah, islamarkaana ay ilaalainayeen ciidanka NISA ee uu xiligan madaxda u yahay.

Guddiga doorashada Galmudug oo aan la xiriirnay way diideen inay arrintan ka hadlaan.

Haddii uu taliye Yaasiin Farey sidan ku noqdo xildhibaan waxay su’aal badan gelin kartaa hufnaanta doorashada golaha shacabka.

Horey waxaa u jirtay in musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhibaan ee #HOP067 oo war-saxaafadeed soo saareen ay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ku eedeeyeen inuu kursigaas u boobayo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugida.