Mustafa Cagjar oo Cabdiweli Gaas ku eedeeyey shirqool yaab leh oo ka dhan ah…

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar oo wareysi siiyey Telefishinka EZ ayaa eedeymo yaab leh u jeediyey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Cagjar ayaa ku eedeeyey Gaas uu dhinaca xuduudda Puntland iyo deegaanka Soomaalida kasoo geliyey ciidamo islamarkaana uu duulaan ku yahay amniga deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jira isku dayo ay TPLF rabeen inay ku dhibaateeyaan deegaanada Soomaalida, waan ka hortagnay, waxaa kamid ah shirkii Washington ka dhacay ee lagu abuuray 9 urur, arrintaas waxaa dabada ka riixayey taageerayaashii hore ee Cabdi Iley, kuwa aan u dhallan deegaanka oo kasoo jeedo Puntland sida madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas oo shir ku qabtay Washington, islamarkaana ku aruuriyey lacago,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafa.

Ma cadda sida uu Gaas ku abaabuli karo ciidanka uu sheegay Cagjar, maadaama uusan iminka wax xil ah ka hayn Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale.

Madaxweyne Mustaf ayaa sheegay in TPLF ay dhibaato xoog leh uga tageen deegaanada Soomaalida, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas la abuuray marar badan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabihii lagu go’aamiyey shirkaas ay qeyb ka aheyd in la kala jabiyo ciidamada maamulkiisa, islamarkaana ciidamo kale laga soo geliyo dhanka xuduudda, isagoo xusay inay la wadaageen hay’adaha sirdoonka laguna guuleystay in la fashiliyo.

Madaxweyne Mustafe ayaa xusay in dowladda Mareykanka ay gadaal ka riixeyso shirqooladaan si ay Itoobiya ugu ekeysiiso meel dagaal oo gabaad u noqota argagixisada.

Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Dowladda Kenya ay qeyb ka tahay qalqal gelinta lagu hayo Itoobiya, wuxuuna sheegay in Nairobi ay ka dhaceyn shirar lagu taageerayo TPLF.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay soo wajahday cabsi xoog leh oo ku saabsan in dagaal looga soo qaado dhanka Soomaaliya, isagoo si gaar ah u sheegay in kooxda Al-Shabaab laga yaabo inay dagaal kusoo qaado gudaha Itoobiya.