Doorashada LIX kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo maanta dhaceysa (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FIET ayaa ku dhawaaqay in maanta ay Muqdisho ka dhici doonto doorashada qaar kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ka soo gelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka guddiga Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo u waramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen doorashada lix ka mid ah kuraasta Somaliland, taas oo Talaadada maanta ka dhici doonta teendhada Afisyooni.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Galmudug ay ka socoto diiwaan gelinta musharaxiinta shan kursi oo Dhuusamareeb lagu dooranayo, kuwaas oo illaa hadda ay isku diiwaan geliyeen 11 musharax.

Axmed Safiina ayaa sheegay in Galmudug is diiwaan gelintii Isniinta ku ekeed, hal maalin lagu kordhiyey, isla markaana wixii Talaadada maanta ah ka dambeeya la guda geli doono doorashada 5-taas kursi.

Afhayeenka guddiga ayaa sidoo kale sheegay in habraacii doorashada ee guddigu soo saaray uu shuruudo adag ku xirayey dadka tartamaya, sida saraakiisha ciidanka, diblomaasiyiinta iyo masuuliyiinta kale, balse waxa uu cadeeyey in habraacaas lagu laalay shir ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Lix kursi ayaan qabaneynaa doorashadooda, kuraasta qaar waa isku sidkan yihiin oo waa ka fududyihiin sidii hore, ergooyinka ayaa noo diyaarsan, shaqaduna meel wanaagsan ayey noo mareysaa, labadii Xildhibaan oo hore lix kale ayaa ku soo biiri doonta,” ayuu yiri Afhayeenka guddiga Axmed Safiina.

Hoos ka daawo wareysiga