CC Shakuur oo weerar ku qaaday xukuumadda Xamza

Washington (Caasimada Online) – Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si weyn ugu dhaliilay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, oo uu sheegay in isdhex-yaac uu ka jiro hay’addaha dowladda.

Ergeyga oo booqasho ku jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA waxa uu ku sheegay in xukuumadda ay sidii la rabay u maamulin dhaqaalaha gargaarka ee lasoo gaarsiiyo, uuna dhowr jeer la wadaagay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

“Dowladda Soomaaliya lama xisaabtanto hay’addaha ka shaqeeya samafalka iyo gargaarka, mudnaanta ay dowladda u baahan tahay miiska looma saaro. Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsi iyo inay ku tiirsanaanto ajnabiga waa isla xisaabtan,” ayuu yiri.

Dhaliisha u weyn ee ergeyga ujeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa ah in aysan jirin wada-shaqeyn wasaaradaha dhexdeeda ah, taasi oo keentay isdhex-yaac baahsan oo ka jiro hay’addaha dowladda, oo lumisay masuuliyad iska saarida arrimaha mudnaanta leh, gaar ahaan arrimaha gargaarka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aan la aqbali karin in gargaarka Soomaaliya laga dhigo wax laga ganacsado, “Kuwa deeqda bixiya kan ayuu usoo dhiiba, kan waaye ka shaqada la habsaamay ee haraadiga ku noqday.”

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka saari kara gacan hoorsiga iyo in ay ku tiirsanaanto ajnabi waa isla xisaabtan la’aan, sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay isla xisaabtan, dadkii la xisaabtami lahaa shaqooyinka la xiriira in la xijiyo”.

Arrintan ayuu ku tilmaamay “Ceeb Qaran” islamarkaana loo baahan yahay in isku mashquulka hoose ee beelaha iyo shaqsiyaadka ah laga gudbo, si ay Soomaaliya uga baxdo tuugsiga caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda waa inay dadka ku kalsoonaadan, waxaa kamid ahay dadka su’aalaha ka qaba shaqada xukuumadda, dhaliilna ka keeni kara, laakiin illaa hadda aragtida iyo dhaliisha aan qabo go’aankeyga waa in aan si gaar ah u siiyo madaxweynaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha.