Saameynta uu dagaalka Laascaanood ku yeeshay Somaliland oo korodhay

Burco (Caasimada Online) – Saameynta ka dhalatay dagaalka bishii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sii korodhay, taasi oo si weyn looga dareemayo gudaha Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa waxa ka dhalatay saameyn dhaqaale, oo inta badan laga dareemay suuqyada Somaliland, iyada oo gebi ahaanba uu joogsaday isku socodkii ganacsi ee Somaliland iyo deegaanada SSC.

Qaar kamid ah ganacstada dharka ee magaalada Burco ayaa xaqiijiyay inuu jiro hoos u dhac dhaqaale, xilli loo diyaar garoobayo munaasibada Ciidul Fidriga.

“Sannadkan waxad mooda in bulshadii reer Laascaanood ay ka dhex maqayihiin dadkii noo iman jiray ee naga adeegan jiray,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada dharka oo la hadlay telefishanka Bulsho.

Ganacsatadan ayaa waxay sheegeen in suuqa magaalada Burco uu tabayo macaamiil badan oo hadda ka hor uga iman jirtay dhanka Laascaanood, balse ay hadda dadkaasi deegaano kale qaxooti ku yihiin dagaalka socda awgiis.

“Waxaanu dareemayna in macaamiil badan oo aanu wax ka iibin jirnay ay maqan yihiin, hadaanu nahay ganacsatada wax waliba nabada ayuu ku jiraa,” ayuu yiri mid kale oo kamid ganacsatada magaalada Burco oo la hadlay warbaahinta.

Tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, waxaa gebi ahaanba istaagay ganacsigii labada dhinac, kadib markii Isimida SSC ay jareen tacaamulkii ganacsi ee kala dhaxeeyay Somaliland.

Sidoo kale waxaa saameynta dagaalkan qeyb ka ah inay istaageen safaradii ganacsi ee ka iman jiray dhanka Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya.

Isimida SSC ayaa hore u sheegay in wax safar ganacsi ah oo Somaliland u socda ama ka socda uusan mari karin dhulkooda, kaasi oo si rasmi ah dhankeeda uga dhaqan galay 15-kii bishaan.

“Maamulka SSC waxa uu joojiyay dhamaan ganacsigii ka dhaxeeyay SSC iyo Somaliland, sidaas darteed waxaa reeban in wax ganacsi ah nooga yimaado Somaliland, sidoo kalena mid ka socda ka gudbo deegaanada SSC-Khatuumo.”

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC, ayna Somaliland ku dhawaaqday in dib gacanteeda ugu soo celinayso magaalada Laascaanood, taasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo beeleedyo taabacsan guddiga garaadada 33-ka ah.

Si kastaba, dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa socda muddo ku siman saddex bilood, waxaana gebi ahaanba burburay waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay isku xilqaameen dhinacyo kala duwan, kadib markii labada dhinac ee isku haya halkaasi ay ku xireen shuruudo adag, si la iskugu imaado miiska wada-hadalka.