CC SHAKUUR oo xog yaab leh ka bixiyay ciidamadii la geeyay BAYDHABO

Baydhabo (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa xog cusub ka bixiyay ciidamada dowladda ay geysay magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso.

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamadii sanad ka hor weeraray gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi ayuu sheegay in ciidamadaasi kaliya ay yihiin ciidamadii oo magacii NISA laga badalay islamarkaana la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Waxaan xog ku helay in ciidanka lagu sheegay in ay Boolis yihiin ee Badhabo loo daabulay ay yihiin kuwii hoygayga soo weeraray 17 December e sanadkii hore, kuwaasoo dilay 5 wiil oo ilaaladayda ahayd, xabaal wadareedna ku aasay”

“Keliya waxaa laga bedelay magacii iyo dharkii NISA oo waxaa loo geliyey dhar Booliska. Shaki iigama jiro in ay fidno iyo fadqalalo Baydhabo ka abuurayaan. Sanad ka hor ayaan shacabka uga dignay ujeedka gurracan ee kooxda Villa Somalia. Waa Ilaaheey mahadii in dadka badankii ay haatan soo baraarugeen”

“Fariinteenu waa sahal. Nacasnimo talinta caynkaan oo kala ah, waxa keli ah ee lagu celin karaa waa awood shacab oo abaabulan midna ah” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com