Muuse Biixi oo amar siiyay ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ka walaacsan

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, socdaalkaasi ayaana qeyb ka ah safar labo todobaad qaatay oo uu ku tagay deegaanada Somaliland.

Isaga oo saraakiisha ciidamada kula hadlayay magaalada Berbera ayuu sheegay inuu amar ku bixinayo in ciidamada Somaliland ay heegan adag galaan, waxaana uu fariintaasi u diray  ciidamada ku sugan deegaanada dhanka xuduuda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu ku laaban doono magaalada Hargeysa isaga oo isku shaandheyn ku sameynaya golaha Wasiirada maamulkiisa.

Arinta la hadal hayo ayaa ah inuu amar siiyay ciidamada ku sugan deegaanada gobolka Sool, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca aaga Tukaraq.

Puntland ayaa walaac ka muujisay amarkaasi la siiyay ciidamada ku sugan aaga Tukaraq, waxaana xubno ka tirsan Puntland ay sheegeen inay arintaasi keeni karto in dhiig kale uu ku daato gobolka Sool.

Marar badan ayay labada dhinac ku dagaalameen gobolka Sool, laakiin waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay socday waan waan arimahaasi lagu dhameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com