CC Shakuur: Xaliimo Yarey intay dalka qalalaaso gelin laheyd ha is-casisho waan u ogeyn waxay soo waddo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay khudbadii ay Maanta Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yarey ka hor jeedisay Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay horey u ogaayeen hadalka ay sheegi doonto Xaliimo Yarey ee ah muddo kororsi sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda ka hor ayaa hoggaamiye reer Falastiin ah waxaa la waydiiyey khudbadii George Bush ee uu Falastiin iyo Israa’iil uga hadlay ma dhagaystay. Wuxuu ku jawaabay maya, sababtoo ah, iyadoo afka Yuhuuda ku baxaysa ayaan Netanyahu toddobaad ka hor ka dhagaystay, Inaguna waxaan leenahay in khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn,” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka inay is casilaan intii ay dalka gelin lahaayeen qalalaasho maadaama uu ku eedeeyey inay ku fashilmeen inay qabtaan doorasho ku dhacdo waqtigeeda.

” Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen waa in ay is casilaan”.

Hadalka Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Xaliimo Yarey ku dhawaaqday inay dalka doorasho uga qaban karaan 9-13 bilood taasoo ku xiran hadba nooca doorasho ee la isku raaco iyadoo soo bandhigtay laba nooc doorasho.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021.

Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo,

Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.

Waxaa kaloo ay xustay in nooca gacan ku diiwana gelinta ay ku qabsoomi karto bisha March sanadka 2021.