CC Shakuur: Xasan waa nagu aamini waayey heshiiska difaaca, balse isaga aaminay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa mudaneyaashii maanta soo xaadiray kulankii lagu ansixiyay heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa shaaciyay in madaxweynaha uusan heshiiskii la kala saxiixday hor keenin baarlamaanka.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in madaxweyne Xasan ay ku aamineen wixii uu uga sheegay heshiiska, ayna qaadatay qiirada difaaca baddeena, ayna sidaas ku ansixiyeen heshiiska difaaca ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya.

“Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la diiday inay Xildhibaannada hadlaan intii uu socday kulanka uu kasoo qeyb-galay madaxweynaha, isagoo su’aallo dhowr ah ka keenay heshiiskan, oo maanta si duuduub ah loo meel-mariyay.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran;

Ka sokow dhibaatooyinka gudaha dalka ee takrifalka awoodda, eexda, musuqa, aqoon iyo garasho nacaybka, waxyaabaha ugu waawayn ee siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ku guuldaraysatay waxay ahayd dagaalladii iyo loollankii inoo dhexeeyey innaga iyo Itoobiya iyo in aan maarayn waynay loollankii juqraafi siyaasadeedka (geopolitics competition) ee dunida xilligaa ka jiray, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado.

Haddal waa la diiday, hirarka xamaaska iyo mowjadaha laablakaca ee sacabka iyo sawaxanka lagu laray ee difaaca badda ayaa na jiiray, dhankeyga ayaana ka ansixiyey, laakiin su’alaaha heshiiska aan ka keeni lahaa haddii fursad gaar ah ama gudaha Baarlamaanka la i siin lahaa ayaa ah.

1- Ma caddahay in dawladda Turkiga ay difaacayso gobonnimada xudduudaha badda, berriga iyo cirka Soomaaliya.

Tusaale; haddii ay dawladda Itoobiya ciidan geyso dhulka Soomaaliya ee ay saldhigga Milateri ka samaysanayso, dawladda Turkiga ma naga difaacaysaa? Haddiise ay Turkigu arkaan in dantooda aysan ku jirin in ay Itoobiya isku dhacaan heshiiska muxuu ka yeelayaa?

2- Heshiisyadda difaaca ee dawladaha kale ee ay Itoobiya ka mid tahay lala soo galay xageey ku danbaynayaan?

3- Innagu Itoobiya ayaan is haynaa, laakiin sideen u maaraynaynaa saamaynta taban ee ka imaan karta dawladaha ay Turkiga is hayaan? Haddii si kale loo dhigo, sideen oo maaraynaynaa loolanka juqraafi siyaasadeed (geopolitical competition) ee ka dhasha heshiiska?

4- Dawladdu maxay u qaadi la’dahay tillaabooyin kale oo looga hortegayo damaca Itoobiya? Maxaa xiriirka Itoobiya hoos loogu dhigi la’yahay? Maxaan duulimaadka diyaaradaheeda u joojin la’nahay ama u dhimi la’nahay? Maxaa ciidanka Itoobiya ee aan ATMIS ka tirsanayn ee dalka jooga loo saari la’ yahya, kuwa ATMIS ka tirsanna loo beddeli la’yahay?

5- Sidee loo maamulayaa Kalluunka baddeena ee la sheegay in ay Turkidu ka ceshanayaan lacagta kaga baxda difaaca badda?

6- Hore ayey inoo soo martay in Soomaaliya heshiis difaac ay gashay ka baxdo ama looga baxo, haddii Turkigu go’aansado inuu heshiiska ka baxo ama aan innagu u aragno in aan ka baxno maxaa dhacaya?