Maxaa ka baranay dhagaysiga dacwadda eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud?

Muqdisho (Caasimada Online) – Arbaco, 21-ka Febaraayo 2024, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u fariisatay dhagaysiga dacwada kiista dilka ah ee lagu soo eedeeyay Sayid Cali, kiiskaan oo ahaa mid aad loo wada sugaayay maadaama uu u dhacay si ka duwan kiisaska kale ee dilalka ah ee inta badan maxkamadda la keeno uuna baraha bulshada ka dhaliyay hadal-heyn aad u balaaran.

Xeer-ilaaliya guud ee qaranka ayaa kusoo eedeeyay Sayid Cali inuu dil gudib  ah u gaystay Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed sidoo kalena uu dhaawac dab ah u gaystay wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Cimaad Cabdirisaaq Maxamed. Xeer-ilaaliyaha ayaa maxkamadda ku wareejiyay warqaddo caddaymo ah oo laga kala qoray, qaybta dambi baarista ee boliiska, isbitaal Madiino, marqaatiyaal iyo mid laga qoray isla eedaysanaha.

Maxmakadda ayaa sidoo kale dhagaysatay baaraha kiiskaan, Cabdifitaax Booroow Sanweyne oo maxkamadda ka hor sheegay dhammaan wixii xog ah ee uu soo aruuriyay. Wuxuu sheegay inuu tagay halkii uu dilku ka dhacay, sawiro kasoo qaaday uuna soo waraystay dadkii ka ag dhawaa guriga.

Markii ciidamadu ay eedeysanaha kasoo qabteen maamulka Galmudug oo xamar laga soo dajiyay shacabku aad ayay usoo dhaweeyeen waxayna rajaynayeen in markii maxkamadda la geeyo si sahlan loo xukumi doono laakiin dhagaysigii koowaad ee dacwada waxaa ka muuqatay in xukunka kiiskaan uu ka adkadkaan doono sidii la filaayay

Maxaa adkeeyn kara go’aanka kiiska.

1- Baaraha kiiska: markii Cabdifitaax oo ah baaraka kiiska uu maxkamadda ka hor hadlaayay wuxuu soo bandhigay intii caddayn ahayd ee ay ula muuqatay inay ku filnaan doonto go’aan ka qaadashada kiiskaan laakiin maadaama eedeysanuhu uu leeyahay qareenno u dooda waxay xaq u leeyihiin inay baaraha waydiiyaan wixii su’aalo ah oo markaas kiiska ka qafiifin kara eedeysana. Waxaa sidoo kale su’aalo weydiiyay maxkamadda gobolka oo ayaduna meelaha qaar rabta in si fiican loogu bayaaniyo.

Su’aalo dhawr ah oo la waydiiyay baaraha kiiska ugama uusan jawaabin si ay ku dheehan tahay inuu baaritaan qoto-dheer soo sameeyay, sidoo kale faahfaahin miisaan leh ma uusan ka bixin su’aalaha oo jawaabta waa uusoo koobaayay taas oo ka dhigaysa nin xirfad ahaan aan dhisnayn ama baaritaan fiican aan soo samayn.

Difaacayaasha eedeysanaha oo su’aalo weydiiyay baaraha waxay u muuqdeen kuwo raadinaayay halka baaruhu ka jilcan yahay ama xogihiisu aysan ka cusleyn. Haddaba jileec badan oo ka muuqday baaraha kiiska waxay dheereyn karaan kulamada dhagaysiga dacwadda.

2- Marqaatiyaasha: Maadaama kiisku uu dhacay xilli habeen waqti dambe ah oo badi dadku ay jiifteen ama ay xataa gurigooda ku jiraan uuna ka dhacay qol ay ku jiraan eedeysana iyo marxuumadda oo ay adagtahay in la helo marqaati wax arkaayay ama xataa maqlaayay sida wax u socdeen waa mid kale oo dheereyn karta maxkamadaynta Sayid Cali. Farxiyo oo ah gabadha ay dhashay marxuumad Luul oo ah qofka ugu dhaw inuu marqaati ku furo eedeysana kaliya waxay aragtay Luul oo gubanaysa laakiin si cad uma arag sida falka uu u dhacaayay.

Marqaati kale oo asna ahaa milkiilaha garaash u dhawaa guriga falku ka dhacay wuxuu sheegay in uu xilli dambe yimid goobta loona sheegay Sayid Cali uu gaarigiisa oo garaashka u yaalay uu qaatay Luulna uu soo gubay. Dhammaan marqaatiyaashaas lasoo bandhigay ma muujin wax go’aan toos ah lagu qaadan karo.

3- Xirfadda eedeysanaha: Markii la fiiriyo xilliga, goobta iyo qaabka uu u dhacay falkaan waxaa ka muuqata xirfad saraysa si loo marin habaabiyo indhaha sharciga, wuxuu iska ilaaliyay xilli dad badan ay socdaan taas oo sababi lahayd in haddii uu eedeysanaha guriga kasoo baxo qayladana la maqlo ay suuro gal ahaan lahayd in dadku ay qabtaan. Wuxuu sidoo kale iska ilaaliyay in falka uu geysto xilli caruurtu ay soo jeedaan taas oo sababi kartay inay si toos ah u arki lahaayeen sida wax u dhaceen.

Haddaba qodobadaas aan soo sheegay waxay adkayn karaan in kiiska si degdeg ah lagu soo afjaro oo go’aan looga qaato.

Haddaba maxaa kiiska fududeyn kara?

1- Dhagaysiga codad hore: haddii laysku hawlo in dabagal lagu sameeyo taleefanadii uu eedaysana isticmaalaayay kadib markii uu falku dhacay waxaa laga yaabaa in la helo codad iyo xariiro uu la sameeyay qaar asxaabtiisa ama qoyskiisa ka mid ah lagana yaabo inuu u sheegay siduu wax yeelay. Tani waxay noqon kartaa caddayn aan loo baahan doonin marqaatiyaal kale ee la raadiyo kiiskana dhinac ayay u ridi doontaa.

Ugu dambeyn waxaan ilaahey ka baryayaa in marxuumad Luul ay caddaalad hesho go’aan caddaalad ah oo qoyskeedu ku qancaanna lagu dhawaaqo.

Waxaan sidoo kale falanqayn doonaa hadduu Alle idmo kulama kale ee kiiskaan la xariira.

Caddaaladdu ha sarayso

Waxaa qoray: Mohamed Deik Taako
email: deeqaxmax15@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.