Siddeed faa’iido weyn oo ku jira heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo biyaheeda kaga difaacaneyso duullaanka Ethiopia.

Maadaama aanay Soomaaliya hadda haysan ciidan baddeed xoog leh, waxay Muqdisho gacmaha u dhiibatay Ankara, waxayna Turkiga la gashay heshiis ay kula wareegayaan amniga baddaha Soomaaliya.

Heshiisku waa 10 sano, waxaana soo koobeyna siddeed faa’iido oo ku jirta heshiiska oo maanta la mariyay Golaha Wasiiradda, kadibna uu madaxweyne Xasan Sheekh u saxiixay baarlamaankan labadiisa Aqal.

Hadal jeedinta madaxweynaha ayaa loo diiday warbaahinta, waxaana khudbadda madaxweynaha kadib heshiiska sharaxay wasiirka gaashaandhiga Jaamac, iyada oo sidoo kalena saxaafadda loo ogaalanin sharaxaadda wasiirka.

Labada Aqal ayaa madaxweynaha ka codsaday in isla maantaba la ansixiyo heshiiska, waxayna durba u coddeeyeen xildhibaannada in heshiiskaasi ansax yahay si gacan taag ah.

Faa’iidooyinka ku jira heshiiskan waxaa kamid ah;

1. Laga bilaabo maanta biyaha Soomaaliya waxaa difaacaya Turkiga, si lamid ah biyihiisa.

2. Heshiiskan waa toban sanno, waana waqti yar oo Soomaaliya ku dhisan karto ciidan baddeed xoog leh.

3. Turkiga maraakiibtooda dagaalka waxay gaaf-wareegi doonaan biyaha Soomaaliya, sidaas darteed dayacaadii hore waa dhamaatay.

4. Turkigu waxay kale oo badda Soomaaliya ka ilaalilanayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo waqti dheer soo taagna, kaasi oo si joogta ah loogu dhaco kalluunka iyo qeyraadka kale ee ku jira baddaha Soomaaliya.

5. Faa’iidada dhaqaalaha buluuga ah iyo qeyraadka ceegaaga biyaha Soomaaliya waxay Turkiga ku yeelan doonaan saami, kaasi oo ku dhisan in la kordhiyo dhaqaalaha ka imanaya baddaha Soomaaliya.

6. Muddadaas tobanka sano ah waxaa heshiiska ku jirta in Turkiga uu dhisaan ciidanka badda ee Soomaaliya ayna qalabeeyaan, taasi oo faa’iido weyn u ah Soomaaliya.

7. Soomaaliya ayaa hadda baddeeda uga cabsaneyn argagixisada, budhcad-badeed, in sunta lagu shubo, kalluumeysi sharci-darro ah iyo cadow dibadda ah.

8. Wax soo saarka baddaha Soomaaliya ayaa liitay muddo fog. Heshiiska maanta la mariyay baarlamaanka Soomaaliya ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku jirta in wax soo saarka la kordhiyo, iyada oo sidoo kalena ay heshiiska ku jiraan dhismaha dekeddo.

Heshiiskan tobanka sano ah ee ay kala saxiixdeen labada wadan ee Turkiga iyo Soomaaliya ee la xiriira difaaca baddaha Soomaaliya iyo sare u qaadidda dakhliga ka yimaada biyaha Soomaaliya ayaa waxaa saaka aroortii ansixiyay Golaha Wasiirrada, waxaana maanta duhurkii ansixiyay Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Turkiga ayey madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku sifeeyeen walaal gaar ah oo waqtiyada adag garab istaagga Soomaaliya, ayaga oo sheegay in Soomaalida aysan hilmaami doonin abaalka Turkiga.