CC Sharmaa’arke: Waa in la cunaqabateeyaa kuwa diidan heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Caasimada Online ) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaa’arke oo haatan ka tirsan Senatorada golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay is mari-waaga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto kuwa diidan heshiiskii 17-ka September, ayna tahay in la cunaqabateeyo.

Senator-ka ayaa ku eedeeyey inay dalka u horseedayaan xasilooni darro siyaasadeed iyo dib loogu noqdo colaadihii sokeeye & fowdo dambe oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

‘‘Dadaallada socda ee lagu baa’binayo heshiiskii September 17 waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo horseeda xasilooni darro ay tahay in la cunaqabeeyo kuwa hannaankaasi qaska ku wada,’’ ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in kaliya xaaladda adag ee lagu jiro looga gudbi karo in si dabacsan loo dhaqan-geliyo heshiiskii horey looga gaaray hannaanka doorashooyinka.

‘‘Hadda, in kasta uu jiro gaabis hadana in si dabacsan loo dhaqangeliyo heshiiskii September 17 waa xalka ugu haboon ee xasilinta xaaladda jirta,’’ ayuu sii raaciyey.

Si kastaba hadalkan kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowlad federaalka, dowlad goboleedyada qaar & mucaaradka ay si weyn isugu hayaan hannaanka doorashada dalka iyo sida looga gudbi karo xaalada kala guurka ah.