Cudurka COVID-19 oo dad badan ku laayey Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Coronavirus/Covid-19 ayaa si weyn ugu sii fidaya deegaano kamid ah gobolka Galgaduud, halkaasi oo uu ku dilay dad hor leh, kadib markii uu soo ritay cudurkaas oo bilihii u dambeeyay kusoo labo kacleeyay dalka.

Dadka uu cudurkan ku diley deegaanada Galgaduud ayaa waxaa lagu sheegay dad ka badan 40-ruux, halka kuwo kalena ay la jiifan cudurkaan.

lllaa 15 qof ayaa maalmihii lasoo dhaafay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ugu geeriyooday xanuunka COVID-19, halka 20-kalana ay hadda cudurka u jiifaan, sida ay sheegen howl-wadeenada caafimaad ee gobolka.

Maamulka deegaanka Xeraale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu faro ba’an ku hayo deegaankiisa, islamarkaana ay ka cabsi qabaan in maalmaha soo socda uu soo rito dad hor leh.

Guddoomiyaha Xeraale, Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa sheegay in deegaanka uusan laheyn isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo dadka uu hayo cudurka, midaasi oo sarre usii qaadeysa halista cudurka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa deegaanada gobolka Galgaduud laga soo warinayay kiisas hor leh tan iyo markii uu dalka kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, oo dhawaan dalka la keenay talaalkiisa.