Sawirro: Maxaa keenya in ciidanka gaarka ah ee Gorgor heegan la geliyo xilligan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Gorgor ayaa la geliyay heegan, ayada oo loo sheegay inay u diyaar garoobaan wax lagu sheegay howlaha qaran ee horyaala, sida uu kula dardaarmay taliyaha ciidamada lugta Somalia Jen. Maxamed Tahliil Biixi.

Taliye Biixi ayaa booqasho ugu tegay ciidanka kadib markii Sabtidii fashilmay kulankii baarlamaanka ee guddoonka baarlamaanka ku doonayay mudo kordhin loo sameeyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kadibna uu Mursal ku hanjabay in xarunta baarlamaanka la keeni doono ciidamo ka tiro badan kuwii Sabtidii la geeyay, kuwaasi oo gaarayay 200 askari.

Taliyaha ciidamada lugta oo ah sarkaalka ugu awooda badan xilligaan ciidamada islamarkaana si toos ah u fuliya awaamiirta madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu si gaar ah ula dardaarmay ciidamada Gorgor, isagoona ku wargeliyay inay xili walba ay heegan ahaadaan si ay u gudaan howsha loo diro.

Waxaa la ogsoon yahay in taliyaha ciidamada Lugta inuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyay ee amray weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday madaxweyneyaashii hore iyo murashaxiintii usoo bannaanbaaxay dibadbaxii ka dhanka ahaa Farmaajo ee lagu rasaaseeyay aakhirkii.

Waxaa hadda jirta cabsi kale oo laga yaabaa in ciidankan mar kale loo adeegsado arrimo siyaasadeed, inkasta oo aysan caddeyn, balse la dhowri doono maalmaha soo socda.