Maxaa ka jira in MURSAL uu si ula kac ah u fashilinayo qorshaha muddo kororsiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada ku dhow guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu si ula kac ah u fashilinayo qorshaha muddo kororsiga ee uu ku cadaadinayo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanadan oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa Caasimada Online u sheegay in Mursal, si uu qorshaha u fashilmo in uu qaaday laba tallaabo oo kala ah:

1- Waxa uu faafiyay xogta muddo kororsiga oo gudaha baarlamaanka iyo dalka si weyn looga dareemay, si ay arrintasi u keento in cadaadis la saaro Farmaajo islamarkaana la baajiyo. Xogtan ayaa la sheegay in Mursal uu la wadaagay xildhibaano ku dhow, kuwaas iyagana kadib sii faafiyey.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu shalay facebook soo dhigay ku sheegay in Mursal uu xildhibaano u tegay u sheegay saddex arrin oo kala ah:

A)- Heshiiskii 17 September in uu fashilmay!
B)- Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo!
C)- Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.

Xildhibaanada ku dhow Mursal ayaa sheegay in xogtan uu si ku talo-gal ah u faafiyey Mursal, si qorshaha muddo kordhinta uu u fashilmo.

2- Wixii shalay ka dhacay baarlamaanka oo buuq iyo fowdo ahaa ayaa keeni kara xaalad kacsan oo aad looga dareemo gudaha dalka iyo dibedda, ayada oo buuqa oo gaaray beesha caalamka uu horseedi karo cadaadis caalami ah, oo lagu joojinayo muddo kororsiga.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in guddoomiye Mursal uusan Madaxweyne Farmaajo ka diidi karin qorshaha muddo korarsiga isagoo og halista ku geedaaman, uuna ka cabsanayo, sidoo kalane uu iska ilaalinayo in uu qaato qaraar kusoo laaban kara, oo xaaladda dalka halis gelin kara, taasina ay sababtay in uu shaaciyo xogtii qarsooneyd ee muddo korrarsiga. 

Si kastaba, waxaa jirta laba arrin oo shaki gelinaya sheegashada xildhibaanada raacsan Mursal, kuwaas oo muujinaya in Mursal uu raali ka yahay waxna ka ogyahay qorshaha muddo kordhinta, waxayna kala yihiin:

1- Inuu ogolaaday in ciidamo dharcad ah la keeno xarunta baarlamanka, si loogu cabsiyo geliyo xildhibaanada diidan mooshinka, kuna hanjabay inuu soo badin doono maalmaha soo socda.

2- Inuu xalay soo saaray warqad uu 15 xildhibaan uga mamnuucay kulamada baarlamanka, illaa 5 fadhi oo soo socda, xildhibaanadaas oo ahaa kuwii fashiliyey qorshaha muddo kordhinta.