C/llaahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad oo jawaab kulul ka bixiyey tallaabadii uu xalay qaaday MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad, oo ka mid ah 15 xildhibaan oo uu guddoomiyaha baarlamanka sheegay inuu ka mamnuucay kulamada baarlamanka, ayaa jawaab ka bixiyey tallaabada uu qaaday Maxamed Mursal.

Mursal ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku sheegay in 15 xildhibaan aysan ka qeyb-gali karin 5-ta kulan ay soo socda ee baarlamanka, isaga oo ku eedeeyey inay fowdeeyeen kulankii shalay ee la tuhmay in muddo kordhinta loogu sameyn lahaa madaxweyne Farmaajo. 15-ka xildhibaan ayaa kala ah:

1 –Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur
2 –Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf lidow
3 –Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow
4 –Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur
5 –Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
6 –Xildhibaan Cabdirasaq Omar Maxamed
7 –Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene
8 –Xildhibaan Maxamed Cali Cumer
9 –Xildhibaan Faysal Cabdulle Guuleed
10 -Xildhibaan Cabdullahi Yuusuf Xasan — Alankey
11 –XiIdhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
12 –Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Xaaji
13 –Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon
14 –Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfa
15 –Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil — Hassan Yare

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay “in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena.”

“Sharaf iyo karaamo ayey inoo ahayd aniga iyo sxbada halkaan ku xusan iyo kuwa aan ku xusnayn ee maanta ku guulastay in ay fashiliyaan muddo kororsiga ay doonayeen kuwa matalaadi shacanka ku iibsaday sanbuuska ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Mursal oo ku shaqayna fikirka guracan ee Farmaajo, waxaana aaminsanahay in aan marna dalkaan ka hirgeli doonin mudo kororsi waana ku hungoobi doonaan, Balse wixi dhacay maanta waxaa ay shacabka bareen wejiyada runta ah ee Farmaajo iyo Mursal, sidoo kale Waxaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in aan marna warqadani naga hor istaagi doonin gudashada waajibaadkeena,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Dhinaca kale, Mahad Salaad ayaa isna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!

Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Mahad Salaad iyo xildhibaano kale ayaa shalay la wareegay minbarka baarlamanka, waxayna fashiliyeen qorshe ay sheegeen in Mursal uu doonayey inuu laba sano oo muddo kordhin ah ku siiyo Farmaajo.