Madax goboleedyada dalka oo ‘is-afgarad gaaray’ iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulamo saacadihii lasoo dhaafay madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen gudaha xerada Xalane, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Kulamadan oo ahaa kuwa is daba-joog ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen 5-ta hoggaamiye goboleed ee Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabellle.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan laga gaaray is-afgarad horudhac ah, islamarkaana Axmed Madoobe iyo Deni ‘lagu qanciyey’ inay ku biiraan shirka wada-tashiga ee Afisyooni.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday dooda musharraxiinta iyo tabashada ay ka qabaan hannaanka ay dowladda federaalka wax u wado ee ku aadan doorashada 2021.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in maanta madax goboleedyada ay qaabili doonaan guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyaga oo kala hadli doono khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada is jiid-jiida siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada isku haya doorashada uu kasii darayo, waxaana haatan magaalada Muqdisho ka socda kulamo goobi gooni ah iyo dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo iska soo horjeedo.

Dhanka kale, waxaa jirta cabsi ah in Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ay mar kale isbeddelaan marka ay ku noqdaan Farmaajo, sida horey looga bartay, taasi oo rajadan cusub mugdi gelineysa.