Xildhibaanada mucaaradka oo shaaciyey inay guddoon cusub u dooranayaan BF

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xildhibaanada laga mamuucay kulamada soo socda ee golaha shacabka, kadib warqad kasoo baxday gudoonka sare ayaa si adag uga hadlay arintaasi.

Xidig oo la hadlay BBC-da ayaa shaaciyey in isaga iyo 14-ka xildhibaan kale ay arkeen warqada uu soo saaray guddoomiye Mursal, balse wuxuu tilmaamay in aysan sameyneynin wax macno ah, ayna ka joojin karin kulamada baarlamaanka.

“Warqadda waan aragnay, laakin ma ahan warqad macna sameeynayso oo naga joojinayso kala fadhiyada, sida caadiga ahna baarlamaanka iyo guddoonka hadda jooga ma jiraan fadhiyo, hawl iyo shuruuc ay hadda qabaan karaan.” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad waxa ay doonayaan in sac baqtiyay ay caano ka maalaan marka hadalkooda wax macno ah ma sameeynayo.”

Xildhibaanka oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in xiisada haatan ka dhex aloolsan golaha shacabka ay sababi karto inuu xirmo Kalfadhiga socda, si la mid ah Aqalka Sare.

“Aqalka Sare hadda wuu xiran yahay, oo mushkilad ka dhex abuurantay ayuu u xiran yahay, dabcan Golaha Shacbkana wuu xirmayaa,” ayuu markale yiri C/rashiid Xidig.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay qabsan doonaan ka xildhibaano ahaan shir gaar ah, islamarkaana ay ku dooran doonaan guddoon cusub, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu dagaalmi mayno laakiin nidaambka sharciga ah baan ku taagannahay dhibna malahan in laba baarlamaan ay shiraan, annaguna shir baan qabsanaynaa, guddoon baan dooranaynaa ee shaqaan qabanaynaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyey.

Si kastaba arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay kulanka golaha shacabka ay is hortaag ku sameeyeen xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo tuhun ka muujiyey in muddo kordhin loo sameynayo madaxweynaha iyo sidoo kale baarlamaanka federalka Soomaaliya.