Muxuu Axmed Fiqi ka yiri dhacdadii BF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Glamudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka fal-celiyey buuqii shalay hareeyey kulanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in dhacdadii shalay ay tahay toogashii ug la kac loo geystay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isaga oo intaasi ku sii daray in la damiyey Iftiinkii dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo mar labaad ku soo rogaal celiyey dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ajandaha Covid-19 ee la horgeeyey baarlamaanka laga leeyahay dano gaar ah, taasina ay cadeyn u tahay ciidamo la dhoobay Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in aan la qaadan karin marnaba tallaabada uu guddoomiye Mursal kulamada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaanada qaar.

Halkan hoose ka aqriso:-

Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay,” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo mar labaad ku soo rogaal celiyey dowladda.

Ajande Covid-19 sanad iyo saddex biloood oo uu dalka ka jirey ka dib xilli dalku siyaasad ahaan uusan degenayn lagu soo aadiyey, ajandahaas qaloocan oo ciidamo boqol kor u dhaafay ay difaacayaan ma soo marin Barlamaanka Soomaaliya taariikhdii uu jiray, markii Xildhibaanadu ay ka hadleena isla askartii loo dhiibo liiskooda in ay u diidaan gudashada waajibkooda waa handhaqan ugub ah oo ka marqaati kacaya wadada qaloocan ee dalka loo weeciyey.

Waxaan dhowraynaa Covid-19ka ciidamadu ay galbinayaan halku uu saldhigto iyo natiijada uu dhalo!.! Waxaase aan la qaadan karin marnaba tallaabadan guddoomiyaha golaha shacabku uu ku bartilmaameedsanayo qaar ka mid ah Xildhibaanadii Villa Soomaaliya ka aragtida duwanaa.