Xildhibaanada BF oo kulan la isugu yeeray berri iyo ajande cusub oo lasoo hordhiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maalinta berri ah yeelanaya kulan xasaasiya, kadib xiisad shalay ka dhalatay kulan ay mudaneyaasha golaha iskugu imaadeen, kaasi oo ugu dambeyntii lagu kala dareeray.

Xildhibaanada ayaa maanta waxaa loo diray fariin sheegaysa in maalinta berri ah uu goluhu leeyahay kulan, iyada oo ajendaha kulankaas lagu sheegay Saameynta Covid-19 iyo Cod u qaadista xubnaha guddiga madax-banaan ee xaduudaha.

Fariinta uu guddoonka u kala diray mudaneyaasha golaha ayaa waxaa ka dhashay walaac xoogan, waxaana soo baxaya dareeno ku xeeran kulankaasi, waxayna xildhibaanada qaar muujiyeen in kulanka berri uu ku hoos qarsan yahay wax ay ugu yeeren ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’.

Kulankaan ayaa waxaa ka maqnaan doona xildhibaanada mucaaridka, kuwaasi oo xalay Guddoomiye Mursal ka joojiyey ka qeyb-galka 5 kulan ee soo socda, kadib markii uu ku eedeyay hor-istaagida qabsoomida kulankii shalay.

Kulankii shalay ee golaha shacabka ayaa waxa ka dhashay sawaxan iyo buuq hor leh, kadib markii ay xildhibaanada mucaaridka ah ay muujiyeen tuhun la xiriira in muddo kordhin loo sameynayo madaxweynaha iyo sidoo kale baarlamaanka federalka Soomaaliya.

Xildhibaannadaas ayaa sheegay in hoolka golaha dibadiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, balse xildhibaano kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo u dhici lahaa sidii loo qorsheeyey lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee COVID-19.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in guddoomiyuhu saxiixay in illaa 15 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka aysan ka soo qeyb-geli karin kulamada soo socda ee golaha.

Magacyada xildhibaanada laga mamnuucay ka soo qeyb galka kulamada soo socda ayaa la dhigay albaabada laga galo Villa Somalia, sida aan xogta ku helnay. Tallaabadan xasaasiga ah ayaan la ogeyn awoodda Mursal u hayso inuu sidaas sameeyo.

Si kastaba, kulankaan uu shaaciyey guddoonka ayaa imanaya xili uu sheegay inay xubnaha mucaaridka aysan kasoo qeyb-gali karin, waxayna xildhibaanada mucaaridka wacad ku mareen inay xaadiri doonaan kulamada golaha, midaasi oo dab kusii shideysa xiisada taagan.