CC oo xil cusub ku abaal-mariyey Cabdi Jiinoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow, ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu u magacaabay maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta xeebaha iyo kaluumeysiga dalka Soomaaliya.

Cabdi Jiinow ayaa bartiisa facebook-ga soo dhigay cadeynta xilka loo magacaabay, taasi oo aheyd maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta xeebaha iyo kaluumeysiga dalka Soomaaliya.

Digreedada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay noqoneysaa digreetadii seddexaad oo xil masuul loogu magacaabo muddo bil gudaheed ah.

digreeto