Habka doorashda ee 2016-ka oo lasoo bandhigay

Columbus (Caasimada Online) – Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa aay ka dhacday Hotel Embassy Suites ee ku yaal magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Xafladdaas oo ahayd daah furkii ururka GURMAD oo aay kula wadaageen ummadda Soomaaliyeed fekerkooda haddii aay ahaan lahayd dhanka, siyaasadda, wacya gelinta bulshada iyo sidii lagu gaari lahaa doorasho in aay ka dhacdo Soomaaliya 2016, iyagoo markaas markii labaad carrabku kudhuftay kana dhawaajiyay in aanay dhici doonin doorasho qof iyo codkiisa ah.

Kooxda Gurmad oo ahayd kuwii ugu horreeyay ee ku dhiiraday una sheega shacabka Soomaaliyeed in aanay marnaba dhacayn doorasho aay shacabka soo doortaan madaxdooda sidii loo ballan qaaday 2012.

Garyaqaan Cabdiwaaxid Qalinle ayaa soo bandhigay fekerka ururka GURMAD sidii loo heli in aay dhacdo doorasho sanadka danbe. Gurmad oo aad u dhaliilay wax qabad la’aanta Baarlabaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku celceliyay, in beesha caalamka aay ku ekaadaan taageerada dhaqaale oo aay siyaan ummadda Soomaaliyeed kana fogaadaan fara gelinta tooska ah oo aay ku hayaan siyaasadda gudaha, gaar ahaan waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo aay xubin ka tahay Soomaaliya.

Marnaba ummadda Soomaaliyeed ma aqbali doonaan in aayahooda aay ka taliyaan shisheeye, waayo waddanka waa madaxbannaan waxaana looga fadhiyaa in aay ilaashadaan, madaxbannaanida, sharaftta, iyo ilaalinta xuduudaha waddanka waa shacabka Soomaaliyee ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan oo kamid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed ee ku bahoobay ururka Gurmad.

Gurmad ayaa gunaanadkii soo bandhigtay kuna xirtay shuruudo baarlabaanka JFS in aay soo dhameystiraan inta ka horreeysa bisha Desember 31, 2015. Kuwaasoo kala ah.

  1. 1. In la dhiso Maxkamaddii Dastuuriga ahayd inta ka horreysa 31 bish Disember ee sanadka 2015
  2. 2. Gurmad waxay ku baaqday in baarlamaanku uu diyaariyo xeerka Nadiimka xisbiyadda badan ku waa soo ku tarmi doona doorashadii guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee 2016. Gurmad Waxay ku baaqday in baarlamaanka JFS uu diyaariyo ka hor 31 bisha diseember 2015 xeerka nidaanka doorashooyinka (electoral law)
  3. 3. In la soo dhameystiro dhammaan inta ka harsan dhismaha kommishinada madaxbannaan, sida komishinka la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo komishinka run isu sheegidda iyo dib heshiisiinta.
  4. 4. In aanan marnaba la aqbalin in markale oday dhaqameed aay soo xulaan xildhibaano, kuwaasoo soo dooran doona guddoonka Baarlabaanka iyo Madaxweynaha 2016
  5. 5. In la siiyo fursad xildhibaanada hadda jira maadaama aanay dhaceyn doorasho aay shacabka iyaga soo doortaan hoggaanka waddanka, markii aay soo buuxiyaan shuruudaha lagu xiray ee ah dhameystirka komishanada, iyo dhismaha Maxkamaddii dastuuriga ahayd inta ka horreysa bisha desember 31, 2015
  6. 6. In beesha caalamka aay ka waantoobaan faragelinta siyaasadda gudaha waddanka, Soomaalidana loo ogolaado in aay iyaga aayahooda ka tashadaan.

Gunaanadkii xafladda ayaa waxaa fursad la siiyay dadweynihii ka soo qeyb galay kuwaasoo ku muujiyay kuna taageeray ururka GURMAD dadaalka aay u galeen in Soomaaliya aay mar labaad hesho hannaan dowladeed oo xalaal ah, waxaa aanay aad u soo dhaweeyeen mowqifka GURMAD. Dadweynaha ayaa aad u soo dhaweeyay in si loo helo nabad waarta aay lagama maarmaan tahay in la helo DIB U HESHIISIIN dhab ah taasoo u horseedi doonta in Soomaaliya aay ka baxdo qaska siyaasadeed ee nagaadiyay in la helo dowlad Soomaaliyeed oo xalaal ah.

Wixii faah faahin dheeri ah waxaad kala xiriiri kartaa websiteka ururka GURMAD http://www.gurmadsomalia.org

5 6 7 8 9 10 13 14 15 16 19 20 bn IMG_1344 IMG_8244 IMG_9140 IMG_9170 IMG_9239 2image1
IMG_9486 IMG_9591