Ciidamada Kaliil iyo Ethiopia oo foodda is-daray

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray degmadda Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi uu isku dhac ku dhexmaray Ciidamo uu watay gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku sugan.

Isku dhaca ayaa waxa uu ka dhacay deegaan uu ku sugnaa Kaliil, waxaana lasoo warinayaa in isku dhacaasi uu dhashay kadib markii Kaliil uu isku dayay in awood Militeri uu ku maquuniyo Maamulka cusub ee ka arimiya Magaalada Garbahaareey.

Labada dhinac ayaa muddo kooban rasaas is weydaarsaday waxaana rasaastaasi ka dhashay Khasaaro aan la cayimin, inkastoo durbadiiba la hakiyay iska hor imaadka.

Odayaasha Degmada ayaa dhexgalay Xiisadda, oo Maamulka Garbahaarey ee Jubbaland ku qanciyay inay Kaliil u ogolaadaan inuu yimaado Degmada, islamarkaana dadkiisa si nabad ah kula joogo.

Gudoomiyaha Garbahaarey ee Maamulka Jubbaland Nuur Maxa’uud Buraale, ayaa ka tanaasulay go’aankiisa ahaa in Maxa’ed Cabdi Kaliil tegin Degmada, markii Odayaal u tageen oo arintaasi kala hadleen inuu iska daayo si dagaal looga baaqsado.

Kaliil ayaa wata gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan waxaana ujeedkiisa lagu sheegay in gudaha Degmada Garbahaarey uu ka dhex magacaabo Maamul cusub uu kaga hor imaanayo kan Axmed Madoobe uu magacaabay.

Waxaa laga cabsi qabaa in Kaliil iyo Ciidamada uu wato ay isku balaariyaan Garbahaarey sidaana ay kaga saaran kuwa adeecsan Axmed Madoobe iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com