RW CC oo shaaciyey qorshe ay DF ka damacsan tahay maamul goboleedyada dalka ka jira (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu sii xoogeysanaayo Khilaafka DF Somalia kala dhexeeya Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa arrinta Khilaafkaasi ka hadlay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Ra’isul wasaaraha oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in qorshaha Xukuumadiisu ay kamid tahay inay xal u raadiyaan Khilaafyada DF kala dhexeeya Maamul Goboleedyada dalka.

Waxa uu sheegay in iminka uu wada hadal u socdo DF iyo Maamul Goboleedyada wax ka tabanaayo Dowlada waxa uuna tusaale usoo qaatay wada-xaajood ay iminka kula jiraan Maamulka Jubbaland islamarkaana ay rajeynayaan in meesha uu ka baxo kala aragti duwanaashaha labada dhinac.

Waxa uu tilmaamay in muranka ugu badan ee ka dhexeeya DF iyo Jubbaland uu ka dhashay Baarlamaanka Jubba iyo in la kordhiyo xubnaha Baarlamaankaasi balse ay rajeynayaan in murankaasi lagu xaliyo xeerarka dastuurka.

Waxa uu soo hadal qaaday Khilaafka sidoo kale DF kala dhexeeya Maamulka Ahlusunna ee Bartamaha Somalia iyana ay la hadlayaan si ay uga mid noqdaan Maamulka Galmudug oo lagu dhisay sharciyada DF u degan.

Haddalka iyo rajada Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo muddooyinkaani dambe ay soo ifbaxayeen maamullo ay kala aragti duwanaasho kala dhexeyso Dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com