FADEEXAD: XASAN Sheekh oo lagu bah-dilay Milano (Video laga naxo oo si sir ah loo duubay)

Milano (Caasimada Online) – Dowladda Talyaaniga ayaa sharafta kaga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Milano, kadib markii ay diiday inay sida madaxweyne oo kale u sharafto.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Milano kaga qeyb galayey furitaanka carwo dalalka dunida ay kusoo bandhigayeen wax soo sarakooda, toddobaadkii tagay.

Inta badan waxaa carwada ka qeyb galayey xubno hoose oo ka socda dalalka caalamka, hase yeeshee Xasan Sheekh oo madaxweyne safarka aad u jecel ah, ayaa Soomaaliya u matalay carwada, intii uu howshaas u deyn lahaa wasiirka ganacsiga, oo isna meesha joogay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ceeb iyo weji gabax la kulmay markii dowladda talyaaniga ay u sheegtay inuu dhinac ka raaco tareenada qadiimiga ah ee Milano, una diiday inay baabuur gaar ah, sida madax caalamka ku qaado. Waxaa tareenka ka buuxay dad tahriibayaal ah.

Video cusub oo soo shaac baxay ayaa muujinaya Xasan Sheekh oo kasoo degaya tareen (Daqiiqadda 2:40), kadibna lugeynaya. Hoos ka daawo Video-ga oo 8 daqiiqo ah