Dhageyso: CC wuxuu ku caanbaxay ayuu shalay sameeyay, Xasan-na taariiq xun baa meel u taal

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka  UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hor yimid Heshiiskii shalay dowlada Soomaaliya la gashay shirkad shidaalka ka baarta badda Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliya baddeeda ay ka wada dhaxayso Shanta Soomaaliyed oo aan Koofur kaliya aysan ku Koobneyn, laakiin Cumar C.rashiid uu sameeyay talaabooyinkii horay looga bartay.

Waraabe, ayaa sheegay in xiligii murunka weyn laga keenay badda Soomaaliya uu ra’iisul wasaare ahaa Cumar C.rashiid Cali, haddana uu yahay ra’iisul wasaaraha dalka uuna saxiixayo hishiisyo lagu xaalufinayo qeyraadka badda Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in uu wax ka qabto Heshiiskaasi Sharci darada ah ee Xukumadda Soomaaliya ay la gashay Shirkada Spectrum.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com