Indha-Qarshe & dhacdada lagu xasuusan doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ku xasuustaan taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka General Daahir Aadan Cilmi “Indha-Qarshe” intii uu hayay xilka taliyaha ciidamada.

Waxyaabaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono Indha-qarshe ayaa lagu sheegay xarigii uu u geystay korneyl Cismaan Cilmi Guure “Cukaash” kadib markii uu tiriyay gabay ka hadlayay dhibaatada lagu hayo ciidamada milatariga Soomaaliya.

Gabayga oo loogu magac daray Fariin Qaran ayaa waxaa ka carooday Indha-qarshe, waxaana uu gabayga ka hadlaya musuq maasuqa lagu hayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in gabayga Fariin qaran uu saameyn weyn ku yeeshay Indha-qarshe, si weyna loogu xasuusan doono.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in gabaygaasi uu hurdada u diiday Indha-Qarshe, wuxuuna ku tilmaamay gabay uusan waligii iloobi doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com