Guuleed: Hurimeyno inaan la dagaalno Ahlusuna

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay wadahadalka maamulkiisa uu kula jiro maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal dheeri ah ugu jiro sidii Ahlu sunna ay kaga mid noqon laheyd maamulka Galmudug si nabad loogu wada noolaado.

Wuxuu soo hadal qaaday haddii Ahlu sunna aysan kamid noqon maamulkiisa islamaraana dhanka nabada qaadan tallaabada maamulkiisa uu qaadi doono.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in xalka ugu dambeeya ee Ahlu sunna iyo Galmudug uu yahay dagaal sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Guuleed.

Wuxuu sheegay iney dadaal dheeri ah  u gali doonaan in wax dagaal ah uusan dhicin, laakiin haddii laga fursan waayo ay diyaar u noqon doonaan iney dagaal la galaan Ahlu sunnada gobolada dhexe.

Ahlu Sunada fadhigeedu yahay Dhuusamareeb, ayaa la baxday Maamulka Central State, iyadoo ay si weyn u diidan tahay Siyaasadda Maamulka Madaxweyne Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com