Somaliland oo ka jawaabtay heshiiska ay wada gaaren dowladda SOOMAALIYA iyo SPECTRUM!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland Eng Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay heshiiska Muqdisho ay ku kala saxiixdeen DF iyo shirkada Spectrum, kaasoo la xiriira sahminta shidaalka kujira Badda Somalia.

Eng Feysal Cali ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid xaaran ah islamarkaana ay DF Somalia ku xalaaleysaneyso qeybta Biyaha Somalia kaga aadan Maamulka Somaliland.

Feysal waxa uu sheegay in Heshiiskaasi ay qaadaceyso Somaliland waxa uuna tilmaamay in DF Somalia ay kusii dhiiraneyso faragalinta ay ku heyso Siyaasadaha Maamulka.

‘’Heshiiskaasi waxaan u aragnaa in DF Somalia ay ku daan-daansaneyso Somaliland waxaan uga digeynaa shirkada Spectrum inay faragaliso biyaha Somaliland haddii ay kusoo dhiirato waxay la kulanto iyada ayaa dusha saaran doonta’’

Waxa uu tilmaamay in arrinta heshiiska uu yahay mid lagu laqdabeynaayo ama lagu daan-daansanaayo Somaliland waxa uuna DF Somalia uga digay mar kale inay kusoo xadgudubto biyaha Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Feysal Cali ayaa imaanaya iyadoo xiligaani uu xun yahay heshiiska Maamulka Somaliland kala dhexeeya DF Somalia, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo sii horeysay ay labada dhinac isku khilaafeen arrimaha Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com